Taliyaha Ciidanka xooga Dalka S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga ayaa kulamo laqaatay mas’uuliyiinta ugu sareysa Ciidammada Dalka Talyaaniga.
General Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa Madaxda Ciidamada Dalka Talyaaniga kala hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Talyaaniga iyo sidii sare loogu qaadi lahaa tabarada ey Talyaaniga siiyaan ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.
Taliyeyaashii uu la kulmay ayaa waxaa ay balan qaadeen inay kordhin doonaan taageerada ay siiyaan Ciidamada xoogga dalka si ay u hantaan amniga Guud ee dalka Soomaaliya.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.