GO,AAN UU MAANTA KU DHAWAAQAY MADAXWAYNE MUSTAFE

Go’aankan ayaa si gaar ah uquseeya dadka kasoo jeeda Qowmiyadaha kale ee itoobiya kuna dhaqan Deegaamada Somalida.
 
Go’aankan waxuu ka danbeeyay booqasho maanta uu ku tagay Madaxweynuhu xarumaha kaniisadaha ee Jigjiga,kuwaasoo ay dhibaato kasoo gaartay rabshadihii ka dhacay Magaalada xiligii isbadalka.
 
Go’aanku waxuu sheegayaa in Bulshada ku dhaqan Deegaanka Somalida ee aan ahayn Somali ay helaan xuquuqo la siman tan bulshada Deegaanka.
 
Hadaba go’aanka qodobada uu ka koban yahay waxay udhignaayeens idatan soo socota:-
 
1. Qomiyadaha kale ee nala daga oo heli doona Kuraasta deegaanka ( Wasiir kuxigeeno, Agaasino iyo Shaqaale Hosaad).
 
2. In xafadaha magaalada ay ka dagaan ay ka noqdaan gudoomiye qabalee ( 06, 05, 17 iwm).
 
3. In loo celiyo hantidoodi walibana raaligalin iyo madax salaax iyo dhunkasho la iskugu darayo.
 
4. Dadki somalida aha e la layay oon waxba laga waydin doonin iyo waliba somalida hantidoodi la boobay aanan magdhaw kuleheeyn.
 
5. In mudo 2 sano ah caanshur aan la waydinin qomiyadaha kale ee deeganka ( Oromo, Amharada, Tigree iwm).
 
Go’aankan ayaa maalmaha soo socdaa waxaa la sugayaa sida ay u soo dhaweeytaan bulshada Deegaanka,waxaase la hubaa in Madaxweyne mustafe amaan iyo bogaadin kaga helayo go’aankiisan dowlada dhexe ee itoobiya.
 
Dhanka kale xiliga ay soo baxayaan go’aamadan waxaa magaalada Jigjiga lasoo gaarsiiyay maydad gaaraya 30-qof oo Somali ah ,kuwaasoo lagu soo laayay Deegaanka Oromada.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading