Go’aanka Garaadadu oo kala fogeeyay Bulshada Sool iyo reer Puntland-ta kale.

Bulshada caadiga ah ee reer Puntland,ayaa si weyn uga xumaaday Warkii kasoo baxay Garaadada Sool 23-kii Bishan ee ka dhsnka ahaa soo xulista Xildhibaanada Sool ku matalaya Baarlamaanka Puntland.

Dowlada Puntland dhankeeda hoos bay udhigtay warkaas Garaadada,waxayna si caadiya uwadataa soo xulista Xildhibaanada.

17-kii Xildhibaan ee Gobolka Sool ayay xoguhu sheegayaan in ay dhamaystiran yihiin oo Gudiga khilaafaadku diyaariyay.

Sidoo kale Musharaxiinta kala duwan ee Madaxweynaha Puntland,ayaa ka carooday hab dhaqanka Garaadada iyo reer Sool,waxayna taageereen soo xulida Xildhibaanada 17-ka ah.

Bulshada reer Puntland qaybaheeda kala duwan waxay u aragtaa in reer Sool ay xilli adag dhabar jabiyeen oo ay ku abaal dhaceen.

Dadka haatan taageerada umuujinaya go’aankaas ee kasoo jeeda Puntland-ta kale waxay ku doodayaan Walaalaheen reer Sool ha na dhaafaan;iyagoo niyada ka carraysan.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading