Go’aankii Puntland Ee Baalmarka Dastuurka XSM iyo diidmada Baarlamaanka Sharciga Nisa oo is waafaqay

Maanta waxaa is waafaqay go’aankii Puntland ka qaadatay baal-marka XSM ee Dastuurka iyo Baarlamanka Federalka oo ka hor yimid sharcigii baal maarsanaa Dastuurka ee Hay’adda NISA.

Akhrintii koobaad,ayaa lagu diiday oo inta badan Xildhibaanadu uga hor yimaadeen kuna tilmaameen,waxaan la aqbali karin.

Qodobada ay ku diideen,waxaa ka mid ah…

1.In uu toos uga hor imaanayo Dastuurka.

2.In lagu xalaalaysanayo Hantida Umadda.

3.In uu bannaynayo ku xadgudubka xuquuqda Muwaadinka.

4.In uu yahay mid laga soo min guuriyay Xeeraraka Qaramada Midoobey iyo Maraykanka.

Sharcigan awooda uu siinayo Madaxweynaha Fadaraalka waa in uu Qof Ganacsade ah ama Shirkad kusoo rogo cunaqabatayn kadibna isla markiiba Beesha Caalamku la qaadato oo dhankeeda kaga soo rogto.

Sharcigan,waxaa soo qortay Madaxweyne Xasan,waxuuna uga gol leeyahay in uu Dalkan sidii Boqorkii ka noqdo.

Hadii Sharcigan sidiisa lagu ansixiyo,waxaa dhici doonta in Ganacsade Somaliyed oo ay isqabteen Mahad Salaad ama Xasan Shiikh loo adeegsado.

Awooda intaas le’eg looma ogolaan karo Madaxweyne Somaliyed oo dhaqankiisu yahay Eex iyo Xukun jacayl.

Baarlamaanka Fadaraalku si indho furan,ayuu ushaqeeyay,waana ku bogaadinaynaa dhiiranaantiisa.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading