Godka Miiraale oo Duqayn laga fuliyay Caawa

Duqeyn culus,ayaa Caawa lala beegsaday Xubno katirsan firxadka argagixisada Daacish, kuwaas oo isku aruursanayay Togga Miiraale.

Duqeynta,ayaa waxaa fuliyay Saaxiibada Dowladda Puntland ee Imaaraadka Carabta oo taageeraysa Howlgalka CiribtirkaArgagixisada ee Puntland.

“Duqeyn ka dhacday Caawa Togga Miiraale,waxaa lagu beegsaday Firxadka Argagixisada Daacish oo is urursanayey, duqeynta waxaa fuliyey saaxiibada Dowladda Puntland ee Imaaraadka”Ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading