Golaha Amaanka oo Mudo kordhin usameeyay hawlgalka Atmis

Golaha Amaanka ee Qaramada midoobay ayaa galabta ogolaaday qaraar ay keentay dowlada ingiriiska oo waqtiga loogu kordhiyay ATMIS illaa 31 December 2024.

Ciidanka ATMIS oo ay ku jirto Itoobiya ayaa sii joogi doona illaa dhammaadka sannadkan.

Tirada loo ogol yahay waa 12,626 oo ay ku jiraan 1,040 boolis ah.

Hawlgalka kale ee #AUSSOM oo bedeli doona ATMIS ayaa la filayaa inuu bilawdo January 2025.

Wuxuu muran ka jiraa lacagta lagu maalgalin doono iyo halka ay ka imaan doonto.

Waddamada qaar ayaa qaba in dalalkii taageeri jiray ATMIS ay sidoo kale taageeraan howlgalkan cusub we #AUSSOM. Laakiin aragtidan waxaa dood ka qaba Mateykanka oo sheegaya in culeyska dhaqaale uu hal dhinac u badan yahay.

Sidoo kale, waxay dood culus ka jirtaa waddamada ka qeybgali doona hawlgalka cusub ee #AUSSOM.

Masar iyo Jabuuti ayaa mar hore isa soo qaddimay oo booskooda xaqiijistay. Itoobiya,ayaa iyaduna rabta inay ka mid noqoto, balse dowlada fedaraalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in Itoobiya laga reebo hawlgaka cusub AUSSOM.

Wadamada China iyo Russia ayaa qaba in wadamada hadda ku jira howlgalka ATMIS ay go’aan ku yeeshaan qaabka loo qeybsandoono ciidamada lagu soo dari doono howlgalka cusub ee loo soo gaabiyo AUSSOM.

Xgsho: Abdalle Ahmed Mumin


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading