Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo kulan ka yeeshay doorashooyinka Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay galabta ayaa kulan ka yeeshay xaaladda Soomaaliya .

kulankan oo ka dhacay Xarunta Qaramada Midoobay ee New York waxaa khudbado ka jeediyay masuuliyiin uu ka mid yahay Wakiilka Gaarka ah ee Qaramaada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan; Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ambassador Francisco Madeira; Guddoomiyah Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Soomaaliya, Xaliimo Ismaciil iyo Guddoomiya Bulshada Rayidka ah Cusman Macallin.

 Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa u sheegay Golaha Ammaanka in Hiigsiga ajendaha 2020, uu u baahnaan doono wada-oggol siyaasadeed oo qoto dheer.

Waxaa uu sheegay  sida ay muuhiimka u tahay in Baarlamaanka Soomaaliya uu meel mariyaan sharciga doorashada iyo meel-marinta wax kabadalka sharciga xisbiyada siyaasadda ka hor dhammaadka Diseember si looga fogaado wax kasta oo khatar gelin kara wakhtiga loo qabtay doorashada 2020.

Waxaa uu xusay in Soomaaliya horumar ay ka gaartay deyn-cafinta, Qorshaha cusub ee Horumarinta Qaran, iyo dib u soo celinta xiriirka Kenya iyo Soomaaliya.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading