Golaha Ammaanka oo walaac ka muujiyay go’aanka DFS ay ku diiday Ergeyga Midowga Afrika

Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa sheegay in ay tahay arrin aad looga welwelo in dowladda Soomaaliya ay diiday ergeygii Midowga Afrika ay u soo magacoowday Soomaaliya, Mudane John Mahama.

James Swan ayaa shalay ka hadlay kulan gaar ah oo Golaha Ammaanka ka yeeshay arrimaha Somaaliya ayaa ku tilmaamay go’aankaas inuu ahaa mid aan wanaagsanayn.

“Waxaa si weyn uga qoomameyneynaa go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku diiday ergeygii Midowga Afrika usoo magacaawday Soomaaliya.”ayuu yiri James Swan.

Go’aankaas kadib, John Mahama wuxuu sheegay in uu isaga laabtay tallaabadii Midowga Afrika ugu soo magacaawday in uu noqdo ergeyga gaarka u qaabilsan Soomaaliya isla markaana wuxuu hakiyay shaqadaas.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading