Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si adag u canbaareeyay dilkii loo geystay madaxweynihii dalka Haiti Jovenel Moise.
Golaha ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo hor keeno caddaaladda shakhsiyaadkii ka danbeeyay falkaas.
Golaha ayaa sidoo kale ugu baaqay dhinacyada siyaasadda ee dalka Haiti inay ka fogaadaan rabshado cusub iyo inuu dalku galo qalalaaso .
Dhinaca kale,ciidamada ammaanka ee dalka Heyti ayaa dilay afar ruux oo looga shakisam yahay in ay lug ku leeyihiin dilkii madaxweynihii dalkaasi,waxaana gacanta lagu dhigay laba kale,halka la tilmaamay in qaar kale oo baxsad ah ay ku dhuumaaleysanayaan magaalada caasimadda ah ee Port-au-Prince.
Taliyaha ciidamada Boliiska ee Heyti Leon Charles ayaa sheegay in dadkii ka dambeeyay dilka madaxweynaha la dili doono ama la soo qaban doono.
Mr Moïse oo ah madaxweynaha la dilay ayaa ahaa 53-sano jir,waxaana haatan xaaskiisa lagu daaweynayaa Florida.
Idilnews
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.