Golaha Aqalka sare oo ansixiyey Xeerka Saxaafada

Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa ansixiyay Hindise-sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta.Ajendaha Kulanka ayaa ahaa; Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta.

Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta, Adeega Bulshada, Arrimaha Aadanimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Golaha Aqalka Sare Senatar Axmad Macalin Cumar ayaa ka hor akhriyay Golaha Aqalka Sare warbixinya Hindise-sharciyeedkaan.

Waxaa laguda galay dooda ku a’adan Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareey oo ay wehliyaan howl-wadeeno ayaa hor yimid Golaha Aqalka Sare.

Guddiga Horumarinta, Adeega Bulshada, Arimaha Aadanimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Golaha Aqalka Sare ayaa mariyay Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta.

Golaha Aqalka sare ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedkani. Waxaa Ogaalada 23 Senatar,Waxaa diiday 3 Senatar, Waxaa ka aamusay 1 Senatar.

Ugu dambeyntii Waxan shirka soo xiray Guddomiyaha Aqalka Sare ee BFS.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading