Waxaa goor dhaw soo gaba gaboobay kulankii 11-aad kalfadhigisa 5-aad ee Aqalka Sare BFS, waxaana qeybta hore ee kulanka shir Guddoominayay mudane; Cabdi Xaashi Ca/llaahi, Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Ajengada kulanka ayaa ahaa Akhrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka xuquuqda Siyaasiyiinta Dowladda.
Waxaa kulanka soo xaadiray 30 Senotar , iyadoo ay mudanayaasha qaar fikirkooda ku aaddan akhrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka xuquuqda Siyaasiyiinta Dowlada halkaasi ka dhiibteen.
Gabagabada kulanka ayaa waxaa soo xiray, Guddomiye kuxigeenka -aad ee Aqalka Sare Senator, Abshir Maxamad Axmad (Bukhaari) oo qeeybti danbe ee kulanka shir guddominayay.






Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.