GOLAHA DEEGAANKA DEGMADA CARMO EE GOBOLKA BARI OO LA DHAARIYAY

CARMO, September 19, 2023: Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mohammed Mosadak Saadeq ayaa daahfurey fariisinta iyo dhaarinta Golaha Deegaanka Degmada Carmo ee Gobolka Bari.

Madasha dhaarinta xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Carmo waxaa qayb ka ahaa Guddomiyaha Gobolka Bari Mudane Cabdirisaaq Cali Siciid (Shaahdoon), Agaasimaha Waaxda Nabad-dhiska iyo Dibu-heshiisiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Mudane Cabdulqaadir Cabdimaalik Maxamuud iyo hawlwadeenada Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasaaradda Haweenka.

Golahaan oo ah golihii ugu horreeyey ee ay dadku toos u soo doortaan ayaa maanta xilka loo dhaariyey, Golaha Deegaanka Degmada Carmo ee Gobolka Bari ayaa waxaa isla dhistay Xisbiyada Kaah iyo Mustaqbal.

Waa tillaabo horey loogu qaaday dhammeystirka hannaanka doorashadii hal cod iyo hal qof ee qabsoontay 25-kii May 2023 kana dhacday 30 Degmo oo ka mid ah Degmooyinka Puntland.

Wasaarradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay u mahadcelinayaa cidkasta oo ka qayb qaadatay qabsoomidda doorashooyinka hal cod iyo hal Qof, sida ururada Siyaasada, Guddigii kumeel gaarka ahaa ee doorashooyinka Puntland (TPEC), daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka, bahda Warbaahinta, ciidamada amniga, ururada bulshada iyo guud ahaan shacabka reer Puntland.

Dhammaad

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading