Golaha Wakiilada Puntland oo ansixiyay Xeerka Cashuuraha Berriga

Garoowe, November 14, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame,ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 9-aad ee Kal-fadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta Ajandihiisa oo ahaa ka doodista Xeerka Cashuuraha Berriga oo Goluhu maalintii 2-aad akhriska 3-aad ku samaynayo, si waafaqsan Dastuurka Dawladda Puntland Qodobkiisa 64-aad farqadiisa 1-aad iyo Qodobka 3-aad farqadiisa 1-aad ee iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Puntland, iyadoo Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisbaadka Golaha Wakiillada uu gacanta ku hayey xeerka ayna kulamo latashi kala yeesheen hay’adaha uu khuseeyo Xeerku.

Dood iyo falanqeyn dheer kadib xildhibannada Golaha Wakiillada ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyey Xeerka Cashuuraha Berriga oo muhiimad gaar ah u leh qaabka dakhli kobcinta, uruurinta cashuuraha iyo dhakhliga Dawladda Puntland, si dawladda u bixiso adeegayada ay shacabka u hayso. Guntanka fadhiga oo ahaa (37) Mudane, waxaa ugu codeeyey oggol (30) Mudane, diidmo (2) Mudane, halka ay ka aamuseen (5) Mudane.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading