BEYDHABO (IDIL NEWS)-Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed,waxaana la horgeeyay Golaha Wasiirada uu dhawaan Magacaabay Madaxweyne Cabdi Casiis laftagareen.
Kulanka ayaa waxaa xaadiray 224 Mudane,waxaana Goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis laftagareen iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye.
Xildhibaano gaaraya 123 mudane ayaa cod Aqlabiyad leh ku ansixiyey Golaha Wasiirada,waxaana diiday hal mudane,sidoo kale majirin Xildhibaan ka aamusay.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa kulanka Baarlamaanka ka sheegay in Golaha Wasiirada ay ansax yihiin,iyada oo isla goobta lagu dhaariyey.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa Xildhibaanada uga mahad celiyay ansixinta Golaha Wasiirada ee uu soo Magacaabay,waxaana uu ka codsaday inay la Shaqeeyaan.
IDIL NEWS
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.