Golaha Wasiirada DFS Ee sharciyada lumisay oo meel mariyay xeerar

Muqdisho, 11 Luulyo, 2024: — Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo uu Guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Canshuuraha Dakhliga iyo Xeernidaamiyaha Maareynta Maaliyadda Guud ee Xayndaabka Siyaasadda Deymaha, Hannaanka Amaahashada iyo soo saarista Dammaanadaha.

Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ku saabsan horumarka iyo dhismaha kaabayaasha Dhaqaalaha dalka ka dhageystay Wasaaradda Howlaha Guud oo soo bandhigtay Waddooyin laga dhisayo Garowe, Baydhabo Iyo Kismaayo — Iyo sidoo kale kuwo qorshuhu yahay in laga dhisay magaalooyinka Beledweyne iyo Dhuusamareeb, halka magaalada Muqdisho laga hirgelin doono biyo mareenno iyo dhuumo qaada bullaacadaha.

Golaha Wasiirrada ayaa ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Difaaca howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ka soconaya qaar kamid ah gobollada dalka, waxa uu goluhu bogaadiyey howlgalladii ugu danbeeyey oo deegaanno dhowr ah looga sifeeyey argagixisada.

DHAMMAAD

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading