Golaha Wasiirada Puntland oo ansixiyay Xeerarka Doorashooyinka

Garoowe: 01 November 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Puntland oo looga hadlay Amniga, Ansixinta Wax-ka-bedelka Xeerka Doorashooyinka, Wax-ka-bedelka Xeerka Guddiga Doorashooyinka, Wax-ka-bedelka Xeerka Ururada iyo Asxaabta Siyaasadda iyo Wax-ka-bedelka Xeerka Diiwaangelinta.

Shirka Golaha Wasiirada waxaa kale oo looga hadlay Haweenka iyo Arrimaha Doorashooyinka, Maadaama Doorashooyinka qof iyo cod ay fursad siyaasadeed oo furan ay siinayaan Haweenka iyo Dhallinyarada, Dowladdu waxay qaadatay siyaasad ah in Haweenku tiro ku filan ka helaan xoghayeyaasha Degmooyinka soo doortay Goleyayaashooda deegaanka ee Puntland.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading