Golaha Wasiirada Xasan Shiikh oo meel mariyay Xeerar Doorasho

Golaha Wasiirada XFS ee fadhigeedu yahay Muqdisho, ayaa meelmariyay labo xeer oo ku qotoma doorashooyinka dalka iyo nidaamka axsaabta siyaasadda Soomaaliya, xilli dowladda Xassan Sheekh ay lumisay sharci ahaanshaheeda, maadama ay laashay dastuurka KMG ah ee dalka.

Xeerka doorasho ee Wasiirada Xamar ayaa dhigaya in dalku aadayo doorasho qof iyo cod ah, taas oo aan la aqoon halka lagu qaban doono, maadama inta badan deegaanada Koonfurta Soomaaliya ay joogto kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Sida ka muuqata xeerka – Xassan Sheekh ayaa doonaya in mashruuciisa doorasho uu isticmaalo muddo kororsi uu helo, marka uu dhammaado muddo-xileedkiisa May 2026. Waxaana xeerka lagu muujiyay in duruufo adag oo yimaada ay sababi karaan in uu iska sii joogo xafiiska.

Golaha Shacabka BJFS ee uu hoggaamiyo Aadan Madoobe,ayaa la saadaalinayaa in ay ansixiyaan dhowaan Labadan Xeer iyo hindise sharciyeedka dhismaha Guddiga doorashooyinka labada heer ee Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, kaas oo uu doonayo in Xassan Sheekh uu soo magacaabo.

Mucaaradka,ayaa si ba’an uga biyo diiday damaca aan waaqiciga ahayn ee Xassan – iyagoo sheegay in aysan ka yeeli doonin wixii ay ku mideysnaayeen sanado kahor, xilligaas oo Xassan Sheekh iyo xubno kale ay hubka u qaateen damacii Farmaajo ee dhismaha nidaam Kali-talis ah, kaas oo la ogyahay in Soomaaliya uu u horseeday halka maanta ay joogto.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading