Golaha Wasiiradda Israa’iil oo isku khilaafsan waxa laga yeelayo Qasa dagaalka kadib

Leader of the Israeli Yemina party, Naftali Bennett, delivers a political statement at the Knesset, the Israeli Parliament, in Jerusalem, on May 30, 2021. - Nationalist hardliner Naftali Bennett said today he would join a governing coalition that could end the rule of the country's longest-serving leader, Prime Minister Benjamin Netanyahu. (Photo by YONATAN SINDEL / POOL / AFP)

Wasiir ka tirsan xukuumada dagaalka ee Israa’iil Benny Gants ayaa ku hanjabay in uu is casili doono haddii aanu Ra’iisal Wasaare Benjamin Netanyahu uusan dejin qorshah dagaalka ka dib ee marinka Qaza.

Mr Gantz ayaa u qabtay 8-da Juunyo maalinta kama dambaysta ah ee lagu gaarayayo qorshe ka koobaan lix qoddob oo ” istiraatiiji ah “, oo ay ku jiraan dhammaadka xukunka Xamaas ee Gaza iyo samaynta maamul rayid ah oo caalami ah oo dhulka ah.

“Haddii aad qaranka ka hormarisaan shaqsiga, waxa aan noqon doonaa saaxiibada halgank” ayuu yiri. “Laakin hadii aad doorataan dariiqa xagjiriinta oo aad umadda oo dhan ku hoggaamisaan god, waxaa nalagu qasbi doonaa in aan dowladnimada ka baxno.”

Mr Netanyahu ayaa hadalkaas ku gacan seeysaty waxana uu ku tilmaamay “Erayo aan macno lahayn” oo la macno ah “guuldarada Israa’iil”.

Khilaafka sii kordhaya ayaa kusoo aaday iyadoo Marinka Qasa uu dagaal ka socdo, iyadoo ciidamada Israa’iil ay howlgalka ka wadaan koonfurta magaalada Rafah iyo magaalada Jabalia ee dhacda waqooyiga, oo ka mid ah xeryaha qaxootiga ee taariikhiga ah ee Qasa, isla markaana ah goob ay ciidamada Israa’iil horay u sheegeen inay ka saareen. Dagaalyahanada Xamaas.

Mr Gants ayaa arintan ka hadlayay maalmo uun ka dib markii xubin kale oo ka tirsan golaha wasiirada dagaalka, Wasiirka Difaaca Yoav Gallant, uu ku boorriyay Netanyahu in uu si cad u sheego in Israel aysan wax qorshe ah ka lahayn inay la wareegto maamulka rayidka iyo kan militariga ee Qasa.

Mr Gallant waxa uu sheegay in uu arrintan ku celceliyay bilo balse aanu wax jawaab ah ka helin.

Isaga iyo Mr Gants waxay sheegeen in joogista awoodda milatari ee Gaza ay kordhinayso khatarta ammaanka ee Israel, halka kuwa kale, oo ay ku jiraan xubnaha midigta fog ee isbahaysiga talada haya ee dowladda Netanyahu, ay rumaysan yihiin in sii wadida xakamaynta ay lagama maarmaan tahay si looga adkaado Xamaas.

Xigasho:-BBC.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading