Dhismaha Laamiga bartamaha degmada Galdogob ee gobalka Mudug ayaa galabta la soo gaba gabeeyay, waxaana la dhamaystiray 1.6 KM oo qorshuhu ahaa.

Laamiga ayaa laga dhisay Mashruuca TIZ PLUS ee Hay’adda USAID iyo isku tashi bulsho, waxaana gacanta ku haysay Shirkadda Wadaniga ah ee Kebarco.

Shirkadda Kebarco ayaa laamiyo casri ah ka dhistay degmooyinka Gaalkacyo, Burtinle. Galdogob, Bursaalax iyo Jariiban oo ay la qorshaynayo in dhawaan loo dhiso.



Kasmaal Media.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.