Goobaha Doorashooyinku ka dhacayaan Ee Degmooyinka Qardho,Eyl iyo Ufeyn oo la asteeyay

Ansixinta Seejooyinka doorashada iyo goobaha diiwaangelinta codbixiyayaasha ee degmooyinka Qardho, Eyl iyo Uffeyn:

Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland ayaa maanta 13ka Feb, wuxuu ansixiyey Seejooyinka doorashada iyo goobaha diiwaangalinta codbixiyayaasha ee 3da degmo ee Qardho, Eyl iyo Uffeyn.

Guddiga oo qiimeeyey warbixintii xubnaha sare iyo shaqaalaha Guddiga Doorashooyinka ee safarada ku tagay 3da degmo iyo tuulooyinka hoos taga intii u dhexeysay 20kii ilaa 27kii Jannaayo, wuxuu go’aamiyey:

  1. Degmada Qardho waxay yeelanaysaa 20 (labaatan) goobood oo dadka laga diiwaangalinayo iyo 23 (saddex iyo labaatan) Seejo oo dadku codkooda ka dhiibanayo.
  2. Degmada Eyl waxay yeelanaysaa 16 (lix iyo toban) xarumo diiwaangelin iyo 16 (lix iyo toban) Seejo oo codka laga dhiibanayo.
  3. Degmada Uffeyn waxay yeelaneysaa 10 (toban) xarumaha dadka lagu diiwangalinayo iyo 9 Seejo oo laga codeynayo.

Liiska degmo walba iyo goobta loo asteeyey Seejo ama goob diiwaangelin waxaa la shaacindoonaa barri (Axad) 11am.

codkaaguwaaxaqaaga

codkaaguwaamustaqbalkaaga


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading