Goorma ayay joojinaysaa Israa’iil weerarada ay ku hayso Qasa?

158-Wadan oo Xubin ka ah Golaha guud ee Qaramada Midoobey,ayaa isku raacay in Israa’iil ay joojjiso dagaalka Qasa.

10-Dal,ayaa diiday,waxaana ka aamusay 28-Wadan qaraarka looga dalbanayo Israa’iil Xabad joojinta.

Israa’iil waxay uga jawaabtay dalabkaas..

“Xabad joojinta rasmiga ah,waxay ku xiran tahay hogaamiyaha Xamaas,iyadoo fadhiga kusoo bandhigtay Telkiisa iyo Sawirkiisa,kuna boorisay Madaxda caalamku in ay toos uwacaan oo ay usheegaan in uu joojiyo Xabada”.

Israa’iil doodu,waxay ku qotontaa in weli laga haysto Dad rayid ah oo aan waxba galabsan lagana soo weerarayo Qasa.

Maraykanka,ayaa ka mid ah Wadamada Israa’iil ku canbaareeyay weerarada Dadka Rayidka ah.

Ku dhawaad 18000 oo Qof,ayaa ku dhintay dagaalka Qasa,40% ay yihiin Caruur.

Wadamada ucodeeyay in Israa’iil Xabad joojin ku dhawaaqdo,waxaa ka mid ah kuwii ugu dhawaa sida Canada,Germany,Australia iyo Hindiya.

Markii dagaalku bilowday 68-maalmood ka hor taageerada caalamka,waxaa haysatay Israa’iil, balse haatan waxay lumisay taageeradaas,waxaana fariintaas si cad usheegay garab istaagaheeda ugu weyn ee Maraykanka.

Israa’iil,waxay isku hallaynaysaa in aan weli la gaarin wakhtigii Maraykanku uqabtay in ay ku joojiso weeraradeeda Qasa,taasoo ku eg 31-December oo haatan ay ka harsan tahay 15-Casho.

 

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading