Goormaa la saxiixayaa heshiiska Qaadka Kenya dib loogu furayo Suuqyada Somaliya

Kenya,ayaa qarka u saaran inay dib u furto suuqa jaadka ee Soomaaliya iyadoo la filayo in heshiiska la saxiixo horraanta bisha Luulyo.

Wasiirka beeraha Peter Munya,ayaa dhamaadkii toddobaadkan shaaca ka qaaday in wadahadalada u dhexeeya labada dal ay galeen qeybtii ugu dambeeysay iyadoo heshiis la filayo laba toddobaad gudahood.

“5-ta bisha Luulyo ee soo socota, heshiiska waxaa lagu saxiixi doonaa halkan Nairobi,” ayuu yiri Munya xilli lagu gudajiray ololaha doorashada Kenya ee lagu inay dhacdo bilowga bisha Ogosto.

Munya ayaa markii uu hadalkan sheegayay waxa uu ku sugnaa Ismaamulka Meru oo ay ku yaallaan beeraha Qaadka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading