Goormay shaacinayaan khariirada Doorashada Gudiga Doorashooyinka Puntland?

10-ka Bisha ayay rabaan Gudiga Doorashadu in ay shaaciyaan khariirada Doorasho ee ay diyaariyeen.

Xogo hordhac ah oo laga helayo,waxay sheegayaan in ay khariiradu udhignaan doonto sida tan…

“Sadex Bilood oo mudo xileedka Dowlada ka hartay iyo 6-Bilood oo dheeriya oo udhiganta in ay ubaahan yihiin 9-Bilood oo ay ku qabtaan Doorashada Baarlamaanka iyo Madaxweynaha”.

Sidoo kale Baarlamaanka,ayaa ku dari doona Hal Sano,waxayna isku noqon doontaa mudo kororsiga loo marayo Gudiga Doorashada Hal Sano iyo Sagaal Bilood.

Baarlamaanku,waxuu ansixin doonaa soo jeedinta Gudiga Doorashada 15-ka Bishan.

Ujeedka loosoo dadajiyay khariirada Doorashada shaacinteeda,waa in buuq la galiyo Shirka Mucaaradka ee 10-ka Bisha ka furmi doona Garowe.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading