Goormee Madaxweyne Deni kusoo laabanaya Garoowe ?

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo in ka badan bil ka maqnaa deegaanada Puntland ayaa la filayaa inuu berrito oo sabti ah soo gaaro Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Madaxweyne Deni oo socdaalkiisa ku kala bixiyay Muqdisho, Nairobi iyo Abu Dubai ayaa intii uu maqnaa soo gaaray guulo Siyaasadeed oo Puntland u sameeyay maqaam Siyaasadeed.

Qaban-qaabada Munaasabad lagu soo dhaweynayo Madaxweyne Deni ayaa ka socota Garoowe, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaana shalay magacaabay Guddi ka shaqeynaya soo dhaweeynta Madaxweyne Deni.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading