Goormee xariga laga jarayaa dhismaha wajiga 1-aad ee dekedda Garacad ? (VIDEO)

Waxaa bilaabatay qaban-qaabada munaasabadda xarig ka jarka wajiga kowaad ee dhismaha dekedda Garacad ee Gobalka Mudug, taas o haatan la dhameystiray jambiga kowaad ee ay kusoo xiranayaan Maraakiibta imaanaysa dekedda, oo dhan Boqol Mitir.

Kulan dhexmaray 12 bishan August, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, iyo Guddiga dhismaha ee Dekadda Garacad, ayaa lagu wargaliyay Madaxweyne Deni inuu dhowaan si rasmi ah diyaar noqonayo wajiga kowaad ee dhismaha dekedda Garacad, iyadoona intaas kaddib uu Deni u diray dekedda Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Dhabancad, si ay u soo qiimeeyaan howlaha socda, loona bilaabo diyaarinta xarig ka jarka dekedda.

Sidoo kale, Injineerada Shirkadda gacanta ku heysa dhismaha dekedda Garacad ee Wadaagsin, ayaa sheegay inuu dhowaan bilaabanayo dhismaha jambiga labaad ee dekedda, kaas oo dhan 170 Mitir, waxaana wadarta guud ee qeybaha dekedda diyaarka noqonaya sanadkan ay gaari doonaan 270 Mitir.

https://www.youtube.com/watch?v=UiLxc8J8iV0

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading