Gormuu xilka la wareegayaa Ergayga cusub Ee Qaramada midoobey uqaabilsanaan doona Somaliya

Iyadoo uu dhamaaday muddo xileedkii danjiraha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa lagu wadaa in uu shaqada la wareego Nicholas Haysom oo u dhashay dalka Koonfur Africa.

Wali si rasmi ah looma shaacin magacaabistiisa, hasse ahaatee mas’uulkan cusub ayaa noqon doona ergayga xoghayaha guud ee Qaramada u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Waa 66 sano jir ka soo shaqeeyay dalalka, Suudaan, Koonfur Africa iyo Pakistan, waxaana uu ku taqasuusay arrimaha dimoqraadiyada, dowlad wanaagga, dib u heshiisiinta, nabadeynta iyo dib u habeynta.

Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating oo xilka ka degaya ayaa wuxuu bedelay xog-hayihii hore ee Qaramada Midoobay Nicholas Kay oo u dhashay dalka UK.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading