Guddiga Dib-u-heshiisiinta Gobalka Gedo oo kulamo ka bilaabay Garbahaarey (Sawirro)

Guddiga Dib-u-heshiisiinta Gobalka Gedo ee Arrimaha Doorashooyinka ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo qaybaha bulshada ee Magaalada, gaar ahaan odayaasha Nabadoonada, haweenka iyo dhalinyarada.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka Gobalka Gedo, iyo sidii loo abuuri lahaa jawiga qabsoomidda doorashada ee kuraasta loo asteeyey magaalada Garbahaarey.

Guddigan oo uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka kooban 4 Wasiir, oo ka kala socda Dowlad Gobaleedyada Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle, waxaana ay la tashiyada kaddib soo jeedin doonaan dadka loo magacaabayo Maamulka degmadda Garbahaarey, kuwaas oo intaas kaddib uu magacaabo doono Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading