Guddiga KMG ee doorashada Puntland ayaa maanta oo taariikhdu tahy 01.09.2020, xaruntiisa kula shiray hogaanka iyo hawl-wadeenada Ururada Siyaasadda Puntland.
Ujeedada kulanku waxaa uu ahaa sida looga taageerayo Ururada Siyasadda dhinacyada wacyi galinta guud,siiba taageerayaasha ururada , aqoonta doorashada, ololaha,ilaalinta xeerka Ururada iyo hab-dhismeedka ururada waxaa si gaar ah xoogga la saaray adeegsiga warbaahinta PLTV oo Ururada Siyaasaddu ay soo dhaweeyeen.
Shirkan oo uu guddoominayey Jaamac Xirsi,guddoomiye ku xigeenka guddiga,ahna ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga Doorashada ee Puntland waxaa uu ka mid yahay shirarka joogtada u ah taaba-galinta qorshaha doorashada ee TPEC iyo Ururada Siyaasadda ee Puntland.







Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.