Guddiga KGMDQ iyo Beesha Caalamka oo ka Wada-hadlay Doorashada 2020/2021

Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaran (GMDQ) iyo xubno ka ka tirsan Beesha Caalamka ayaa maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Kulanka ayaa waxaa si wadajir ah u shir Guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaran Xaliimo Ismaaciil (xaliimo yarey)  iyo ku xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Raisedon Zenenga.

Kulanka ayaa intii socday waxaa looga hadlay arrimaha Doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo sanadkan 2020/2021.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo xaqiijin lahaa in doorashada dalka ay ku dhacdo si nabdoon oo qof iyo cod ah noqotana mid xor iyo xalaal ah kuna saleysan wada-oggol.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading