Guddiga KMG ah ee TPEC oo la kulmay Saraakiil ka socota Hay’adda UNSOM (Sawirro)

Gudoomiyaha Guddiga KMG doorashooyinka Puntland Mudane Guuleed Saalax Barre iyo xubno ka mid ah TPEC ayaa xafiiska Gudoomiyaha kulan kula qaatay saraakiil ka socotay Hay’adda UNSOM.

Guddiga ayaa waftiga ka socday UNSOM warbixin ka siiyay shaqada ay wadaan hawlaha usoo qabsoomay ee ay ka mid ahayd diiwaangalintii codbixiyayaasha degmooyinka Eyl, Qardho iyo Ufayn iyo shaqooyinka u qorshaysan oo ay ka mid tahay qaybinta kaararka codbixiyayaasha iyo qabashada doorashada horudhaca ah ee degmooyinka Eyl, Qardho iyo Ufayn oo dhawaan ka soo dhamaatay diiwaangalintii codbixiyayaasha oo mudo ka socday, Gudoomiyaha ayaana qabsoomida arintan ku tilmaamay inay guul u tahay guud ahaan Soomaaliya iyo Puntland.

Ugu danbayn saraakiisha UNSOM ayaa soo dhaweeyay shaqada Guddiga ay qabteen iyo qorshahooda dhow iyo kan fog waxayna usheegeen xubnaha TPEC in ay wada shaqayntooda sii xoojindoonaan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading