Guddiga TPEC iyo Guddiga kor-joogteynta Doorashooyinka oo kulan yeeshay (Sawirro)

Guddiga KMG doorashooyinka Puntland ayaa saaka xarunta dhexe ee TPEC kusoo dhaweeyay xubno ka socda Guddiga korjoogtayta doorashada Soomaaliya ee bulshada rayidka ah oo dhawaan Guddigu tababar uga daahfuray caasumada Puntland ee Garowe.

Af-hayeenka TPEC Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq ayaa uga warbixiyay sooyaalka, shaqada Guddiga iyo hawlaha ay wadaan.

Ugu danbeyn xubnaha Guddiga korjoogtayta ayaa ugu mahadceliyay xubnaha TPEC soo dhawaynta ay u sameeyeen iyo warbixinada muhiimka ah ee ay siiyeen waxayna isla qaateen in ay xiriir joogtaa yeeshaan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading