Guddiga xalinta khilaafaadka Doorashooyinka oo Guddoomiye cusub doortay (VIDEO)

Xubnaha guddiga xallinta khillaafaadka doorashooyinka ee heer federaal ayaa maanta doortay guddoomiye cusub ka dib doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho.

Kulanka waxaa soo xaadiray 18-xubnood, waxaana xilka guddoomiyaha cusub ee guddiga xallinta khillaafaadka doorashooyinka loo doortay Xuseen Maxamed Maxamuud oo helay 18-cod.

Doorashadan ayaa timid, ka dib markii guddoomiyihii hore ee guddiga xallinta khillaafaadka doorashooyinka Qaranka Alle ha u naxariistee Cabdullaahi Abyan Nuur uu geeriyooday

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading