Guddigii Aqalka Sanetka oo loo xilsaaray dhexdhaxaadinta xiisadda siyaasadeed Ee Aqalka Hoose Baarlamaanka Oo is casiley

Guddi ka tirsan Aqalka Sanatka oo loo xilsaaray dhexdhaxaadinta xiisadda siyaasadeed ee Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ayaa sheegay inay is casileen.

Guddigan oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdishu ayaanan faahfaahin ujeeddada is casilaaddooda hase yeeshee waxay sheegeen in Guddiga Joogtada ee Aqalka Sanatka uu aqbalay is casilaaddooda.

Guddiga ayaa horey ugu taliyey in mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha Baarlamanaka Maxamed Cusmaan Jawaari la qaado maanta oo Arbaca ah, hase yeeshee taasi ayaanan muuqan in ay dhaceyso maanta.

Xildhibaannada doonaya inay xilka ka qaadaan Jawaari ayaa horey u sheegay inay codkaasi qaadi doonaan malainta Sabtida ah.

Habeenkii xalay xildhibaano taabacsan Jawaari ayaa sheegay inuu mooshinkaasi buray.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading