Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo booqday dhismaha cusub ee Bangiga dhexe (VIDEO)

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta kormeeray dhismaha cusub Bangiga dhexe dowladda Puntland oo gebogebo maraya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay kormeerkiisa ku weheliyeen Xildhibaanno iyo Xoghayaha guud ee Gahaha Wakiillada ayaa waxaa soo dhaweeyey masuuliyiinta iyo howlwadeennada Bankiga, oo ay horkacayeen Guddoomiyaha iyo Agaasimaha Bankiga dhexe.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda oo mid mid u booqday qaybaha dhismaha cusub ayaa warbixin ka dhegaystay Madaxda Bangiga dhexe iyo Engnireerada dhismaha gacanta ku haya.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa bogaadiyey qaabka casriga ah ee loo dhisay dhismaha cusub ee banigaga dhexe ee Dowladda Puntland oo kharashka ku baxay ay bixisay Dowladda Puntland, iyadoo dhawaan lagu wado in sirasmi ah xarriga looga jaro.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading