Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo ku dhaawacmay Qarax ka dhacay xarunta maamulka

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Qarax xooggan uu goor-dhaweyd ka dhacay gudaha Xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ka dhacay Gudaha xarunta, ayaa warar qaar ay sheegayaan in uu geystay ruux isa soo miidaamiyay, waxaana ka dhasahy khasaare.

Warar ayaa sheegaya in Qaraxan uu ku dhaawacmay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng. C/rixmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo Masuuliyiin kale.

Xilliga uu dhacayay Qaraxa ayaa xarunta gobolka Banaadir waxaa ka socday shir looga hadlaayay Ammaanka Caasimadda.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading