Guddoomiyaha Golaha Shacabka BF Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Dalka Qadar.

CAMMAAN (IDIL NEWS)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal C/raxmaan, ayaa Maanta kulan kula qaatay Magaalada Cammaan ee Dalka Jordan, dhiggiisa Dalka  Qadar , Alsayid Axmed Bin Cabdalla Bin Zaid, markii ay halkaa uga qeyb galeen shirka 29 aad ee Midowga Baarlamaanka Carabta.

Kulanaka ayaa waxay Labada Mas’uul uga wada hadleen  xiriirka Labada Baarlamaan ee  Soomalia iyo Qadar, danaha ay wadaagaan iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka Walaaltinimo ee ka dhexeeya.

Shirka 29 aad ee Midowga Baarlamaanka Carabta ayaa Shalay ka furmay Caasimadda Dalka Urdun ee Cammaan , wuxuuna socon doonaa muddo Laba Maalmood ah, waxaana cinwaan looga  dhigay Qdus waa Caasismaadda soo jireenka ah ee Dowlaadda Falastiin.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading