Guddoomiyaha iyo Guddoomiye kuxigeenka Qandala oo la doortay

Golaha deegaanka cusub ee degmadda Qandala ee gobalka Bari ayaa doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye kuxigeen, kaddib doorasho gacan taag ah oo galabta ka qabsoomtay fagaare ku yaala magaalada Qandala.

Axmed Yuusuf Maxamed (Khuurshe), ayaa ku guuleystay Guddoomiyaha degmadda Qandala, isagoona helay 19 cod oo gacan taag ah, kaddib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamayey.

Sidoo kale, Guddoomiye kuxigeenka Qandala ayaa loo doortay Maxamed Jaamac Muuse (Cadayse) oo isna helay 19 cod, kaddib markii musharixii la tartamayay uu u tanaasulay.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading