Guddoomiyayaasha Guddiga TPEC ee gobalada Puntland oo la dhaariyay (VIDEO)

Shirweynaha sanadlaha ah ee Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa maanta ka furmay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, kaas oo ay ka qeybgalayaan dhamaan xubnaha sare iyo shaqaalaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland.

Shirweynahan oo socon doona muddo 3 berri ah ayaa qiimayn lagu samayn doonaa shaqooyinkii qabsoonay iyo kuwa soo socda, waxaana sidoo kale tababaro la siin doonaa shaqaalaha TPEC si kor loogu qaado xirfadooda.

Sidoo kale, Qaaddi ka socda Maxkamadda Sare dhaariyay Guddoomiyayaasha heer Gobol ee TPEC ee Mudug, Sool, Nugaal, Sanaag, Haylaan, Bari iyo Gardafuu, sida uu qabo Xeerka Aasaaska TPEC.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading