Guddoomiye Sanyare oo lagu soo dhaweeyay degmadda Saaxo (VIDEO)

Wafdi uu hogaaminayey Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa lagu soodhaweeyey Degmada Saaxo ee Gobolka Mudug, Wafdigan waxaa qayb ka ah Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug, Taliyaha Aaga Ciidanka Daraawiishta Gobolka Mudug, Isuduwaha Wasaarada Arimaha Gudaha, Saraakiil iyo Masuuliyiin kale.

Maamulka Degmada Saaxo, Nabadoono iyo shacabka Deegaanka ayaa soodhaweeyey Wafdiga uu gudoomiyuhu Hogaaminayo, Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa uga mahadceliyey Maamulka iyo bulsada qaybaheeda kala duwan soodhawaynta ay usameeyeen.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading