Rag ku hubeysan Mindiyo ayaa ku diley degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho guddoomiyihii Maxkamada gobolka Sh/hoose Siciid Cumar Xasan oo loo yiqiin Subeyr.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Shabeelaha hoose ayaa saxaafada u xaqiijiyay falkan waxana ay sheegeen in gudoomiyaha uu dhaawac u geystay mid kamid ah labadii ruux ee weerartay, waxaana gudoomiyaha iyo ninkii uu toogtay ay u geeriyoodeen dhaawac soo gaaray.
Xubno katirsan Ehelka Marxuumka iyo Gudoomiyihii Maxkamadda Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ay murmeen Saciid iyo labadii qof ee Mindida ku weerartay.
Lama oga ujeedka ay ka lahaayeen labada nin ee mindida ku weerartay guddoomiyaha maxkamada gobolka Sh/hoose, iyadoo dhacdadan ay noqoneysa mid ku cusub dilalka ka dhaca magaalada Muqdisho oo badankood loo adeegsan jirey bastoolado.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.