Gudiga amniga Muqdisho oo amray in 48-saac lagu furo Wadooyinka xiran

Guddiga amniga qaranka ee dowladda Federaalka Somalia oo xalay ku kulmay magaalada Muqdisho ayaa amray in muddo 48 saacacood gudahood lagu furo waddooyinka xiran ee magaalada Muqdisho.
 
Xirnaanshaha waddooyinka ayaa saameyn badan ku yeeshay bulshada ku nool magaalada, waxaana dadka qaarkood ay soo dhaweeyay in waddooyinka loo furo.
 
Waddooyinka xiran ee Muqdisho,ayaa waxaa kamid ahaa sida Soddonka, Maka Al-mukarramma, Afisyooni.
 
Guddigu waxa ay ku amreen Wasaaradaha, Maaliyadda, Gaadiidka, iyo maamulka gobolka Benaadir in ay dib u eegis ku sameeyaan hannaanka isticmaalka waddooyinka caasimadda, iyadoo ay sii kordheen tirada Gaadiidka iyo Bajaajyada ee soo galeysa Gobolka Benaadir.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading