Gudiga Arimaha Dibada Baarlamaanka Ingiriiska oo dood ka yeeshay saamaynta Shabaab Ee Somaliya

Sababaha PL iyo SL Alshabaab si muuqata uga hawlgali waayay,waxaa sharaxaya Xubnaha Gudiga Arimaha Dibada ee Baarlamaanka Ingiriiska.

“SL iyo PL,waxaa ka jira nidaam Dowladeed adag oo Shaqaynaya,inkastoo aysan wax walba u toosanayn oo ay jiraan wax badan oo ka khaldan,hadana awoodihii Dowladnimo oo hawlgalaya,ayaa jira,halka Koonfurta Dhulka Dowladu maamusho ay yaalaan Isbaarooyin isdaba yaal oo Lacag kala duwan lagaaga qaadayo,iyadoo Alshabaab ay Hal Warqad kaaga soo jarayaan Kismaayo aad ku maraysid ilaa Muqdisho”.Ayay ku fasireen in nidaamka Shabaab ka Shaqayn waayo PL iyo SL.

Xigmada ku jirta dooda Gudiga Arimaha Dibada Baarlamaanka Ingiriiska,waxay tahay…

“In Siyaasad dhisan oo Aas-aas leh iyo Nidaam Shaqayanaya si walba oo loolan uga haysto arimo badan ay sababeen in Alshabaab dhexgeli waayo Bulshada”.

Ujeedka hadalkoodu,waa….

1.In ay jiraan hay’adihii Cadaalada oo Shaqayanaya.

2.in ay jiraan hay’adihii amaanka oo Shaqaynaya.

3.In ay jiraan Hay’adihii Maaliyada oo Sahqaynaya.

4.In ay jiraan Siyaasiyiin jilaya Siyaasada oo ku loolamaya Dimuqraadiyad.

Arimahaas,ayaa keenay in Bulshadu dareen uhayn waydo Alshabaab iyo fikradooda oo ay yasaan kana fogaadaan.

Macnaha Waaqiciga Bulshada SL iyo PL,ayaa ka sareeya kuwa Koonfurta.

 

Halkan ka daawo muuqaalka

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading