Gudiga Doorashada Gudoonka Baarlamaanka oo la Magacaabay

Garoowe, January 02, 2024: Guddoomiyaha Ku meel gaarka ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Xasan Cabdalla Xasan ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 2-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Ugu horeyn, waxaa Maxkamadda Sare ee Puntland dhaarisay xubnaha Golaha Wakiillada ee ka maqnaa kulankii dhaarinta ee shalay, kuwaas oo dhamma 8 xildhibaan, waxaana sidaa ku dhamaystirmay 66-da xildhibaan ee Goluhu ka kooban yahay.

Intaas ka dib, waxaa Guddoomiyaha Ku meel gaarka ahi Golaha la wadaagay in loo diyaar garoobo Doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada si waafaqsan Dastuurka iyo Xeerkhoosaadka Golaha Wakiillada DPL, wuxuuna magacaabay Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada, iyadoo Guddiguna Golaha la wadaagay Habraaca Doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada oo ku asteysan khamiis, 04/01/2024, haddii eebbe idmo.

Ugu dambeynt, Guddoomiyaha Ku meel gaar ah ah ee Golaha Wakiillada ayaa fadhiga soo xiray isagoo dadweynaha Puntland ugu baaqay in laga wada shaqeeyo xoojinta Amniga, laguna kalsoonaado Baarlamaanka 6-aad ee Golaha Wakiillada.

DHAMMAAD.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading