Gudiga Doorashada Puntland iyo Wakiilka Midowga Yurub oo kulan yeeshay

Garoowe: 16 September 2024: Guddiga Doorashooyinka Puntland,ayaa Xarunta dhexe ee Guddiga ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Mrs. Karin Johannson oo booqasho ku timi Puntland.

Guddoomiye K/X ahna siihayaha Guddoomiyaha Mudane Ahmed Mohamoud Omar, ayaa warbixin kooban safiirka kasiiyey shaqooyinka guddiga u qabsoomay iyo qorshayaasha hadda horyaala, sidoo kalena uga mahadceliyey safiirka wada shaqaynta dhow ee midowga yurub uu laleeyahay Hay’adda Doorashada.

Safiirka Mrs. Karin Johannson ayaa dhinaceeda bogaadisay shaqadii wanaagsanayd ee guddigu sida hawlkarnimadaleh uga soo qabtay 36-da degmo Doorashooyinka halqof hal codka ah.

Ugu danbayn kulanka oo ay goobjoog ahaayeen qaarkamida Xubnaha Guddiga iyo Xoghayaha Guud Mudane Asad Ahmed iyo masuuliyiin kulanka ku wegeliyey safiirka ayaa ku soo dhamaaday jawi wanaagsan iyo in lasii xoojiyo wada shaqaynta.

-DHAMMAAD-
-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading