Gudiga Doorashada Puntland oo la kulmay Ururada Siyaasada

Guddiga KMG ah Ee Doorashooyinka Puntland ayaa maanta kulan la qaatay Ururada siyaasadda Puntland, Kulankan ayaa qayb ka ahaa kulamadii wada-tashiga ee u dhexeyn jiray Guddiga iyo Ururada Siyaadadda.

Shirka ayaa looga wada hadlay in la dul istaago cashiradii laga bartay doorashadii hordhaca ahayd iyo sida loo dar dar galin lahaa dhamaystirka geedi socodka doorashooyinka Puntland.

Ugu danbayn Guddiga iyo Ururada ayaa isla gartey in lasii wado maalmaha soo socda kulamada wada-tashiga ah ee u dhexeeyaa Guddiga, Ururada iyo Dawladda, si looga dhabeeyo xaqiijinta riyada bulshada reer Puntland ee ah hirgalinta nidaamka Axsaabta badan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading