Guddoomiyaha Guddiga KMG Doorashoyinka Puntland Cabdirisaaq Axmed Saciid,ayaa Xafiiskiisa Xarunta dhexe ee Guddiga ku qaabilay Wafti ka socda Hay’adda FBA iyo Safaarada Sweden oo Guddiga kala shaqeeya arimaha Doorashooyinka.

Guddoomiyaha iyo Madaxda ka socotay Safaarada Sweden iyo Hay’adda FBA,ayaa ka wada hadlay Hawlaha socda ee Doorashooyinka Qof iyo Cod-ka ah iyo wadashaqaynta Labada Hay’adood.

Sidoo kale waftiga,ayaa booqdey Xarunta cusub ee wicitaan Dadweynaha ee Doorashooyinka iyo Qaybta diiwaangelinta codeeyaha.



Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.