Gudiga Doorashada Somalia oo shidahadii aqoonsiga siiyay 8 Xisbi (Sawirro)

Munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu siiyay shahaadooyinka aqoonsiga 8 xisbi kadib markii guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka uu diiwaangeliyay.

Xisbiyadan la siiyey Shahaadooyinkan ayaa la sheegay inay soo buuxiyeen shuruudihii loogaga baahnaa in loo aqoonsado xisbi siyaasadeed.

Munaasabaddan waxaa ka qeybgalaya guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Qadar, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.

Diiwaangelinta xisbiyada madaxa banaan ayaa imanaysa 48 sano kadib waxaana lagu wadaa in doorashooyin xisbiyo ay ka dhacdo dalka Soomaaliya sanadka 2020.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading