Gudiga horumarinta Dhaqaalaha Puntland oo la yagleelay

Garoowe: 17 March 2024 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa isagoo ka duulaya barnaamijka wax-qabadka xukuumadda ee Hormarinta Wax-soo-saarka iyo kobcinta Dhaqaalaha, wuxuu xubnaha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin u magacaabay Guddiga dardargelinta Ganacisga Puntland.

Magacyada Xubnaha Guddiga:

1. Wasiir. Maxamed Faarax Maxamuud Guddoomiye
2. Wasiir. Cumar Cabdisamad Yuusuf (Dhuux) Xubin
3. Wasiir. Shaakir Maxamed Guuleed Xubin
4. Wasiir. Axmed Shire Siciid Xubin
5. Mudane. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad Xubin
6. Mudane. Dr. Carshe Maxamed Siciid Xubin

Waajibaadka Guddiga:

1. Qiimeynta iyo ka talo bixinta dib u habeynta iyo tayeysiinta Maxjarada Xoolaha ee Puntland si kor loogu qaado dhoofka Xoolaha nool.

2. Qiimeynta iyo ka talo bixinta horumarinta kaabayaasha ganacsiga sida Dekadaha iyo Kastamyada kale.

3. Qiimeynta iyo sare u qaadista ganacsiga Puntland kala dhexeeya deegaanada Soomaalida kale iyo Dowladaha Deriska ah.

Haddaba, xubnaha gudiga waxaa la farayaa in ay waajibaadka loo igmaday u gutaan si masuuliyadu ku dheehantahay, islamarkaana shaqadooda ku soo dhammeeyaan muddo 2 bilood gudahood ah.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading