Gudiga joogtada ah Ee Baarlamaanka Puntland oo la dhamaystiray

Garowe, January 20, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mohamoud Isse ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 8-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Guddoomiye Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa fadhiga furay, iyadoo ajanduhu ahaa magacaabida xubnaha Guddiga joogtada ee Golaha Wakiillada.

Waxaa Golaha dhammaan la dhammeystiray soo gudbinta Xubnaha Guddiga joogtada ee Golaha oo ka kooban 10 xubnood.

Waxaa si rasmi ah loo dhammeystiray xubnaha Guddiga joogtada ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, kadib soo gudbinta Xildhibaannada.

Waxaana gobolkasta Golaha u soo gudbiyey xubnaha uga mid noqonaya Guddiga Joogtada ah, kuwaas oo kala ahaa:

1. Maxamuud Shire Cismaan
2. Maxamed Siciid Cali
3. Maxamuud Dhakuul Xirsi
4. Cabdiwelii Yuusuf Warsame
5. Cabdicasiis Axmed Saalax (Dhahar)
6. Xasan Yuusuf Majabe
7. Mowliid Abokor Caafi
8. Xassan Ducaale Cali (Dhagax-tuur)
9. Yaasiin Jaamac Cumar
10. Cabdirisaaq Jaamac Aadan

Guddiga joogtada ah ayaa ka kooban Guddoomiyaha, Labada Guddoomiye ku-xigeen iyo 10 Madax Guddiyeed, sida uu qabo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada qodobkiisa 11-aad.

1.Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka.

2. Guddiga Siyaasada, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga ah.

3. Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha.

4. Guddiga Arrimaha gudaha, Federaalka iyo
Dimuqraadiyadda.

5. Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada.

6. Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka.

7. Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha.

8. Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta.

9. Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah.

10. Guddiga Xuquuqda Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha qoyska.

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiilada Dawladda Puntland

E-mail: info@puntlandparliament.com

Facebook: https://facebook.com/Parliamentofpl

Twitter:

Instagram: https://instagram.com/Parliamentofpl

Telegram: https://t.me/parliamentofpl

Website: http://puntlandparliament.com

DHAMMAAD


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading