Video:-Gudiga joogtada Baarlamaanka Puntland oo la doortay

Xildhibaan Nimco

Xildhibaan Nimco Cabdi Caarshe Gabadha kaliya ee kujirta Golaha Wakiilada ee Puntland,ayaa waxa ay Ku guuleysatay ka mid noqoshada Guddiga Joogtada ah ee Baarlamanka Puntland.

Nimco,ayaa kasoo gasha Baarlamaanka Gobolka Sool,waxayna heshay kalsoonida-56 Mudane oo cod gacan taag ah ku aqbalay.

7- ka mid ah xildhibaanada noqday gudiga joogtada ah ee baarlamaanka Puntland ,yaa goboladu isku soo daysteen halka 3-xubnood oo ka soo kala jeeda Gobolada Nugaal iyo Bari lagu kala saaray cod bixin Baarlamaanku sameeyay.

Cabdixakiin  Axmed Dhooba-daareed Gudoomiyaha barlamaanka Puntland ayaa ku dhawaaqay  liiska 10-ka xubnood ee gudiga joogtada ah oo dardargelin doona shaqooyinka horyaal barlamanaka,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/y_21Wd5bemQ


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading